Booliska Gaalkacyo oo qabtay dhalinyaro iyo waxyaabaha Maanka dooriya

Ilwareed Online

Ciidamada Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa ku guuleystay in ay gacanta kusoo dhigaan kooxo muddooyinkii u dambeeyay ay ciidamadu ku raad jogeen, kuwaasi oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidamada ayaa howlgal ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo kusoo qabtay dhalinyaro iyo sidoo kale waxyaabihii ay iibinayay oo Maandooriye ah.

Taliyaha Qeybta Booliska magaalada Gaalkacyo Cawil Nuur Rooble ayaa sheegey in howlgal ay sameeyeen ciidamada Boolisku ay baaritaano ku hayaan kooxahaasi, islamarkaana talaabo laga qaadi doono.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ka ganacsiga Maandooriyaha ay muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo badanayay magaalada Gaalkacyo.

Booliska Magaalada ayuu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Kooxahaasi.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Booliska Gaalkacyo oo qabtay dhalinyaro iyo waxyaabaha Maanka dooriya appeared first on Ilwareed Online.

if (document.currentScript) {

You might also like More from author