Booliiska Istanbuul ayaa qabtay Ninkii gaystay Weerarkii Rianna Nightclub

 

Ciidamada booliiska Turkiga oo Mudooyinkan baaryiraano ku hayay shaqsiyaadkii ka dambeeyay weerarkii Fianna Nightclub ayaa sheegey in ay gacanta ku dhigeen dambiilahii falkaasi geestay,

 

Booslika istanbuul ayaa caawa  sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ninkii looga shakisanaa weerarkii lagu qaaday Rainna Nightclub Istanbuul habeenkii dabaaldaga sanadka cusub 2017ka,

 

Abdulkadir Masharipov ayaa la rumaysanyahay in uu ahaa ninkii ka dambeeyay dilkii 39,qofood ee Clupka kagu dhexdilay Bilowgiis Bishan January ,

Dadkii dhibaatada kasoo gaartay weerarkaas ayaa ahaa dhalasha ahaan kasoo kala jeeda dalalka , Israel, France, Tunisia, Lebanon, India, Belgium, Jordan iyo  Saudi Arabia 

 

Kooxda daacish ayaa sheegatay in falkan iyadu ka dambeesay ,waxayna kaga jawabayeen dhaqdhaqaaqa ciidamada Milatariga Turkiga uu jawado Suuriya,

Booliska ayaa sheegay in uu gaari Taxi ah kasoo dagay ninkan Kahor inta uunan Rasaasta ku furin dadkii Halkaasi ku dabaaldagaya , wuxuuna dhex cararay dadkii halkaasi joogay isagoina dib u raacay Texi kale oo If you are looking for cheap inderal, but still are unsuccessful, you can enjoy buying it for only 0.4 USD right now at our online store! uu goobga kaga baxsaday Weerarka kadib,

Warbaahinta Turkiga

ayaa Sheegetey in ninkan kaga shakisanyahay uu guri ka kireestay Konya oo ah Magaalafa Bartanaha u ah dalka Turkiga,

Sidoo kale Majalada Huriyat oo uu fadhigeedu yahay Turkiga ayaa Sheegtey in ninkan udhashay dalka Uzbekistan uu Magaalada Istanbul  soo gaaray 15 December 2016-kii laba asbuuc ka Hor inta uu falka geysan,

 

 

You might also like More from author