Beesha caalamka oo soo dhaweyay Heshiiska dowladda iyo maamul goboleedyada ay gaareen.

Xubnaha beesha caalamka iyo QM ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ku dhiseen golaha amniga qaranka iyadoo ay sii dheer tahay go’aano kale ay ka soo saareen sidii looga jawaabi lahaa musuq maasuqa iyo arimaha abaaraha ka jira dalka.
Heshiiskaan ayaa yimid kadib markii laba maalmood ay kulan ku lahaayen Muqdisho madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.
Wakiilka xoghayaha guud ee QM Meykal Keating ayaa sheegay in arintaan ay horey u sii dhaqaajinayso geedi u socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay inay taasi ay aas aas u tahay soo celinta amaanka dalka.
Golahaan ayaa waxaa hogaan u ah madaxweynaha Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed farmaajo ayaa Golahaan Hogaan u ah, iyadoo madaxa siyaasada QM ee Soomaaliya uu sheegay inay beesha caalamka sii laba jibari doonto taagerada Dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale kale Bayaankaan taageerada ah waxaa si wadajir ah u soo saaray dowladaha saxiibada la ah Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah sida QM,AU,IGAD,EU,Talyaaniga Ethiopia,Mareykanka,Turkiga ,UK iyo Swedan.

If you don’t want to spend a pretty penny for your silagra, just buy it right now for 0.93 USD only!

You might also like More from author