Beesha Baadi Cadde oo Kalsoonida kala Noqotay Hirshabelle iyo Sababta ka dambeys

Ilwareed Online –

Shirweynaha wada tashiga ee mid ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan oo ay ka soo qeyb galeen siyaasiyiinta, aqoon yahanka, ganacsatada, dhalinyarada, haweenka iyo qurbajoogta ka soo jeeda beesha oo ka dhacay Muqdisho ayaa maanta lagu go’aamiyay in beeshaasi ay xiriirka u jartay maamulka Hirshabeelle.
Kulanka oo ay Goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Xildhibaan Khalif Cabdi Cumar, Xildhibaan Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene, Xildhibaan Faadumo Faarax Ibrahim(Qamar), Wasiirro iyo Xildhibaanno Beeshaasi ah oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa lagu dhaliilay magacaabis uu sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble.
Beesha Baadi-Cadde waxaa ay sheegeysaa in maamulka Hirshabeelle aanu tixgelin cadaaladda, baahinta maamulka, kana shaqeeyay sad bursi uu u sameynayo beelo gaar ah iyo in madaxweynaha Hirshabeelle Cosoble ku guul-sareystay baahinta maamulka, iyaga oo ka digay in sida ay wax ku socdaan haddii ay sii socoto ay keeni karto aaminaad darro iyo dib u soo noolaashaha colaaddii sokeeye ee gobolka.

War Saxaafadeed uu Akhriyay Wasiiru dowlaha Howlaha Guud ee Hirshabeelle Ismacil Maxamed Nur , go’aannadii ku qornaa waxaa ka mid ahaa:

In aysan suurgeli karin in shacabka Hiiraan ay raalli ka noqdaan sedbursi, cadaalad darro iyo iska horkeenid.
Waxaan ka digeynaa in dagaallo sokeeye ka dilaacaan gobolka Hiiraan oo mas’uul ka yahay madaxwynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble iyo maamulkiisa.
Waxaa ugu baaqeynaa dhammaan beelaha deegaanka Hirshabeelle ay qaataan go’aan mideysan oo ka dhan ah dhaqamadan ka soo horjeeda rabitaanka iyo nabadda Hirshabeelle.

In xubnaha baarlamaanka Hirshabeelle qaataan kaalintooda la xisaabtanka, ayna hor istaagaan dhaqamada wax u dhimaya xasiloonida Hirshabeelle.
Dowladda federaalka ah, shacabka Hirshabeelle iyo beesha caalamka waxaan ku wargelineynaa in Cali Cabdullahi Cosoble mas’uuliyadeeda qaadi doono haddii uu dhiig ku daato maamulada qaldan ee Hiiraan ka magacaabay.
Beeshu waxaa ay joojineysaa dhammaan wixii wada shaqeyn ah oo ay la laheyd maamulka Hirshabeelle inta laga xalinaayo tabashooyinka beesha.

Beesha Baadi Cadde, waxaa ay ka soo horjeedaan magacaabista madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Cosoble uu ku magacaabay guddoomiyeyaalsha degmooyinka gobolka Hiiraan iyo sameynta deegaannada cusub.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Beesha Baadi Cadde oo Kalsoonida kala Noqotay Hirshabelle iyo Sababta ka dambeys appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author