Batuulo Gabale Oo Ka hadashay dilkii shalay Loogeystay Wiilkeeda *Dhageyso*

Ilwareed Online

Weerar ayaa waxaa uu shalay ka dhacay Degmada Xamar Weyne (Via Roma) Ee Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, kaaso warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan.

Waxa la sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid lagu bartilmaameedsaday Gaari ay leedahay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale.

Gudoomiye Batuulo oo wareysi laga qaaday waxa laga dareemayey Tiiraanyada ay ka qaaday dilka wiilkeeda iyo Xoghayihii Ururkaasi.

Dableey hubeysan oo gaari nuuca raaxada ah watay ayaa baabuurka Batuulo Axmed Gabale ku horgooyey kuwaasi oo rasaas ku furay oo sababtay Axmed Jaamac Xersi oo ahaa wiil ay dhashay Batuulo iyo Canab C/llaahi oo aheyd Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaan sheegin dad ay ku tuhmeyso weerarkaasi inay ka dambeeyeen kuna deysay in alle ifka ama aakhiro kaga aar godo.

http://wardoon.net/wp-content/uploads/2017/09/gabale.mp3

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Batuulo Gabale Oo Ka hadashay dilkii shalay Loogeystay Wiilkeeda *Dhageyso* appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author