Barlamaanka Federaalka oo dib u celiyay sharciga la-dagaalanka musuq maasuqa

Ilwareed Online –

Kulankii Labaad ee mudaniyaasha golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, ajendahuna uu ahaa akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa, ayaa barlamaanku dib celiyay sharciga la-dagaalanka musuqmaasuqa

Wasiirka Cadaaladda ee xukuumadda federaalka Xasan Xuseen Xaaji ayaa golaha Shacabka ka hor akhriyay sharciga dhismaha guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo faa’idooyinka uu dalka u leeyahay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad ayaa xildhibaanada u akhriyay qodobada lagama maarmaanka u ah in ay ama ay ka muuqdaan hindise sharciyeed walba oo la hor keenaayo golaha shacabka. wuxuu sheegay in sharcigan uu u baahan yahay in lagu soo daro qodobada ka maqan isla markaana wasaaraddu dib loogu celiyay hindise sharciyeedka la- dagaalanka musuq maasuqa.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudaniyaasha golaha shacabka ayaa soo jeediyay in maadaamaa sharcigan qodobo muhiim ah ay ka maqan yihiin loo baahan yahay in dib loogu celiyo wasaaradda si loo dhameystiro.

Sharcigan waxaa bishii hore meelmariyay gollaha wasiiradda dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana soo diyaariyay wasaaradda cadaaladda ee Soomaaliya, waxaana la filayay in sharciga marka barlamaanku meel mariyo in si degdeg lo dhaqan galiyo

Dhanka kale, xildhibaan Maxamed Cabdi Gaandi oo ah guddoomiyaha gudiga dib-u-heshiisinta ee ee golaha shacabka ayaa sheegay in dagaal beeleedyo dhibaatooyin badan dhaliyay ay ka jiraan qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka,wuxuuna ku baaqay in dagaaladaasi la jooiyo.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in gudoonka golaha shacabka uu ku baaqaayo in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyadaasi.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Barlamaanka Federaalka oo dib u celiyay sharciga la-dagaalanka musuq maasuqa appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author