Bambooyin xalay lagu weeraray Saldhiyo Boolis ah oo ku yaala Degmooyinka Kaaraan iyo Hodan

Ilwareed Online

Kooxo hubeysan oo xalay weeraro loo adeegsaday Bam-Baanooyin ku qaaday saldhiyo ay Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmooyinka Kaaraan iyo Hodan ee gobalka Banaadir, qaraxyadaasi waxaa ka dhashay Khasaaro dhaawacyo ah.

Weerarka hore ayaa ka dhacay Xaafadda Jaamacadaha waxaana Bam lagu tuuray goob ay ciidanka ku sugnaayeen, iyadoo qaraxaasi ku dhaawacmeen 3 ka mid ah Ciidanka Dowladda, Ciidanka Dhaawacmay ayaa la sheegay in 2 ka mid ah oo soo gaaray dhaawacyo halis ah halka midka kalane la sheegay inuu qabo dhaawac Fudud.


Dhanka kale Saldhigga degmada Kaaraan ayaa la sheegay in sidoo kale lagu weerar Qarax Bam-ka gacanta laga tuuro mana la soo sheegeen khasaarah ka dhashay, howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Dowlada ayaa waxaa lagu soo qabtay dad la’aaminsan yahay inay Qaraxyadaasi ka danbeeyeen.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Bambooyin xalay lagu weeraray Saldhiyo Boolis ah oo ku yaala Degmooyinka Kaaraan iyo Hodan appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author