Baladweyne oo laga diiday Isticmaalka Lacagta Shilling Soomaaliga ah!!! Maxaa Sababay???

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaaya in magaaladaasi laga diiday isticmaalka lacagta Shiling Soomaaliga ah, waxaana kaliya wax lagu kala gasan kartaa waa lacagta Dollarka.

Ganacsiga magaalada Baladweyne xoogiisa ayaa saakay xiran kadib markii ganacsatada ay diideen in ay wax ku iibsadaan lacagta shilinka Soomaaliga, waxa ayna ganacsatada kaliya wax ku iibinayaan lacagta dollarka ah gaar ahaan tan Telfoonada lagu shubto.

Diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ayaa sabab looga dhigay lacago la sheegay in ay yihiin faalso shilin Soomaali ah oo magaalada Baladweyne la geeyay, waxa ayna taasi keentay in shilling Soomaaliga intiisa badan laga shakiyo.

Sicir barar ayaa sidoo kale laga dareemayaa magaalada Baladweyne oo sabab looga dhigay lacagta been abuurka ah ee magaaladaasi galay iyo diidmada ganacsatada diideen in lacag Shilin Soomaali ah wax ku iibsadaan.

Waa markii ugu horeysay sanadahaan in magaalooyinka koonfurta Soomaaliya laga maqlaa in laga diiday lacagta shilling Soomaaliga ah.

Soomaaliya ayaa hada laga isticmaalaa Kunka Shling Soomaaliga oo kaliya, waxaana jira warshado sameeya lacagta kunka Shilin oo been abuur ah, waxa ayna taasi keentay in uu qiimo beelo lacagta shlin Soomaaliga uu hada kasoo haray Kun Shilin kaliya.

The post Baladweyne oo laga diiday Isticmaalka Lacagta Shilling Soomaaliga ah!!! Maxaa Sababay??? appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author