Axmed Madoobe oo lagu eedeeyay in hub uu siiyo Al Shabaab.

Maxamed Cali Yuusuf oo ah Xildhibaan laga soo saaray Baarlamaaanka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe ) in uu taageero Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Mudane Maxamed Cali Yuusuf in Axmed Madoobe Al Shabaab uu ku kabo saanado dagaal sida uu hadalka u dhigay.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhawaan Xildhibaanno ka tirsanaa Maamulkaas kala noqday Xasaanadoodii.

Si kastaba Jubbaland ayaa ka mid ah maamullada ay ka jiraan adeegyo horumarineed iyo dhaq dhaqaaqyo u muuqda soo kabasho marka loo eego maamul Goboleedyad qaar.

The post Axmed Madoobe oo lagu eedeeyay in hub uu siiyo Al Shabaab. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author