Askarta Uganda oo laaluusha saraakiisha ciidankooda si loogu soo diro howlgalka Soomaaliya

Askari ka tirsan ciidamada Uganda oo hore uga soo howlagalay howlgalkii ka dhanka ahaa LRA eek a jiray koofurta Suudan ito howlgalkii dalka Afrikada dhexe iyo kan al shabaab ka dhabka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay in askarta Ugandha ay jecel yhiin in ay ka howlgalaan Soomaaliya ayna si ay u yimaadaan Soomaaliya laaluushaan saraakiisha ciidankooda., sida ay sheegtay Jariiradda Black Star News ee ka soo baxda dalkaas
Askarigan oo magaciisa laga dhigay Kumbuka ammaankiisa dartii ahan 30 jir ayaa sheegay in askartu ay laaluushaan sarkiisha si loogu soo diro howlgalka lacagta badan laakiin dhimashada badan ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in saraakiishu askarta dooneysa in loo soo diro Soomaaliya ay ka qaataan hal milyan oo shilinka Uganda ah oo u dhiganta $ 300 Doollar. Askarta laga qaado lacagtaasna ay yihiin kuwa aan ciidanka joogtada aheyn. Iyadoo ciidanka Uganda daqliga soo gala midkiiba uu yahay $700.
“ Askarta waxay bixiyaan hal milyan oo shilinka Uganda ah si loo geeyo Soomaaliya ayna u helaan qandaraaas hal sano ah “ ayuu yiri Kumbuka
Askariga dablaha ah eek a tirsan ciidanka Uganda ee UPDF wuxuu qaataa wax ka yar $ 100 bishiiba laakiin askariga la keeno Soomaaliya ee dalkaas u dhashay wuxuu helayaa gunno gaareysa $ 4, 280 Doolar halka sano ee qandaraaska oo ay u dheer tahay boqol doolar oo cuntada ah bishiiba , sidaa oo kale howgalada shisheeyaha aaney ka mid aheyn ayaa askarta la geeyo Soomaaliya waxay qaataan $ 1,200 sanadkii , halka askarta goobaha dagaalada aadda ee joogta Soomaaliya ay sanadkii heli karaan $5,480.
Sida uu askarigaa sheegay markii uu Uganda ku laabtay waxaa la siiyey $ 300 oo mushaar saddex bilood loogu xisaabay lacagtii cuntada (per diem) halkii ay ka ahaan laheyd $1,200 sanadkii uu ka howlgalay Soomaaliya oo ahaa 2015 wuxuuna weli sheeganayaa $900.oo ka maqan
Inkastoo ay weli lacagtaa ka maqan tahay hadana dhul buu iibsaday wuxuuna ka dhisay afar qol carruurtana lacagaha dugsiga wuu ka bixiyaa isagoo isticmaalaya lacagihii uu ka helay shaqadii yareyd ee uu ka qabtay Soomaaliya.


Maxamed Shiil Xasan

The post Askarta Uganda oo laaluusha saraakiisha ciidankooda si loogu soo diro howlgalka Soomaaliya appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author