Arsenal oo la sheegay inay ku dhowdahay inay Heshiis la gaarto Laacibka Alexandre Lacazette.

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in si rasmi ah loogu xaqiijiyey qiimo lacageedka ay ku heli karto mashiinka goolasha kooxda Lyon ee dalka Faransiiska wiilka lagu magacaabo Alexandre Lacazette.

Saraakiil ka socota Arsenal ayaa waxay dhowaanahaan wadahadallo kula jireen maamulka kooxda Lyon, waxaana haatan wararka soo baxaya ay sheegayaan in Arsenal loo xaqiijiyey qiimaha ay tahay inay ka bixiso gooldhaliye Alexandre Lacazette.

Majaladda Daily Telegraph ee dalka Ingiriiska ayaa sheegeysa inay maamulka Lyon u sheegeen Arsenal inay bixiyaan 60 milyan oo ginni si ay gacanta ugu dhigaan Alexandre Lacazette xagaagaan.

 

Gunners ayaa marka hore bixin doonta 48.7 milyan oo ginni oo kaash ah iyadoo lasoo saxiixan doonta gooldhaliyaha u dhashay dalka France Alexandre Lacazette, ka dibna waxay bixin doontaa 10.6 milyan oo ginni oo ah lacago gunno ah oo ku xiran qaab ciyaareedka iyo guulaha uu xiddigaani la gaaro Gunners.

Gool.net

The post Arsenal oo la sheegay inay ku dhowdahay inay Heshiis la gaarto Laacibka Alexandre Lacazette. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author