AMISOM oo isku diyaarineysa howlgal ka dhan ah Al-shabaab

Taliyaha guud ee howlgalka midowga Africa AMISOM Jen. Cusmaan Nuur Subagle oo ayaa magaaalada ka sheegay in ay isku diyaarinayaan howlgalka ka dhan ah Al-shabaab.

Taliyaha ayaa kulamo la qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaalada Baydhabo.

Waxa uu sheegay AMISOM in ay kala hadleen sidii bishan Ramadaan loo qaadi lahaa guluf colaadeed oo ka dhan ah ururka Al Shabaab ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay saraakiisha labada dhinac in uu kala hadlay sidii loo furi lahaa wadooyinka xiran, si dadka loo gaarsiiyo gargaar ay u baahan yihiin.

Hadalka taliyaha guud ee ciidamada AMISOM ayaa xili maalintii shalay weerar loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay lagu bartilmaameedsaday ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM oo ka soo anbabaxay magaalada Marka, waxaana weerarka ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba lahaa.

The post AMISOM oo isku diyaarineysa howlgal ka dhan ah Al-shabaab appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author