AMISOM oo Dib u Furtay Waddo u Xirneyd oo Ku Taalla Degmada Buulo Burde

Ilwareed Online

Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ayaa ogolaaday iney dib u furaan wadada laamiga ah ee dhexmarta degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

Wadadan oo in muddo ah xirneyd ayaa furitaankeedu yimid ka dib markii ay wadahadalo dhexmareen saraakiisha ciidamada AMISOM iyo Maamulka degmadaas.

Dadweynaha degmada Buulo-Burde ayaa markii dib loo furay wadadan bilaabay olole nadaafadeed oo ay kaga qaadayeen qashin iyo dhagxaan ku hoos jiray difaacyada laga qaaday wadada ee ay lahaayeen ciidamada AMISOM.

Guddoomiyaha degmada Buuloburde ayaa uga mahad celiyey ciidamada AMISOM furitaanka wadadan oo uu sheegay iney muhiim u tahay socodka dadka iyo gaadiidka ee degmadaas.

Wadada dheer ee isku xirta koonfurta iyo bartamaha Somalia ayaa dhexmarta degmada Buulo-burde hase ahaatee xoogaga Al-shabaab ayaa labada dhinac ka xiray wadada.

Gaadiidka ku sii jeeda iyo kuwa ka soo baxaya degmada Buulo Burde ayaa sanadahan dambe isticmaalayey jidad qardo-jeex ah, iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ay dhowr jeer isku dayeen iney furan wadadan balse nasiib daro kuma guuleysan.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post AMISOM oo Dib u Furtay Waddo u Xirneyd oo Ku Taalla Degmada Buulo Burde appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author