Amarkii Duqa Muqdisho oo saameyn badan ku yeeshay Ganacsigii ka jiray Laamiga Maka Al Mukarama

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa dhawaan soo saaray amar ah in gaadiidka nuucyadiisa kala duwan aan la dhigi karin hareeraha laamiga Maka Al Mukarama .

Ciidamada Taraafikada ayaana amar lagu siiyay in ay jiidaan gaarigii ay ku arkaan isaga oo yaala laamiga dhinaciisa, waxaana amarkaasi uu hada u muuqdaa mid dhaqan galay oo si weyn looga dareemayo laamiga Maka Al Mukarama.

Amarkan kasoo baxay Duqa Muqdisho ayna fulinayaan Ciidamada Taraafikada ayaa saameyn badan ku yeeshay ganacsigii xooganaa ee ka jiray hareeraha laamiga Maka Al Mukarama, waxaana hada qadyaan taagan ganacsatada carwooyinka iyo goobaha ganacsi ku leh laamigaasi,.

Carwooyinka, Dukaamada waa weyn, Maqaayadaha ku yaala hareeraha laamiga Maka Al Mukarama aya adadka inta badan wax ka iibsada waxa ay u badnaayeen dad gaadiid wata oo inta ay wax iibsanayaan gawaaridooda hor dhigan jiray goobta ay wax ka iibsanayaan.

Waxaa hada yaraaday goobahaasi ganacsi cid gasha oo wax ka iibsata maadaama aan gaadiid la hor dhigan karin, waxaana dadkii wax ka iibsan jiray goobahaasi dantu ku qasabtay in ay raadsadaan goobo kale ay gaariga dhigtaan inta ay wax We offer the most affordable prices for Evecare on today’s market. Make sure to check our offers and buy Evecare for 45.56 USD today at our online pharmacy! iibsanayaan.

Amarkan ayaa sidoo kale saameyn badan ku yeeshay Bangiyada waa weyn ee kuyaala hareeraha laamiga Maka Al Mukarama, waxaana aad u yaraasay mashquulkii badnaa ee laga dareemi jiray bangiyada.

Ganacsatada qaar ee saameynta xoogan uu ku yeeshay ganacsigooda amarkan cusub ayaa ugu baaqay Gudoomiyaha gobolka in uu dib u eegis ku sameeyo amarka uu soo saaray, waxa ayna tilmaameen in ganacsigooda dhulka galay xaalad adagna ay dareemayaan.

Laamiga Maka Al Mukarama oo ahaa laamiga ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho ayaa xiligan u muuqda mid haawanaya, waxaana inta badan laamiga dhinaciisa aan lagu arkeyn gaadiidkii tirada badnaa ee la dhigan jiray.

You might also like More from author