Alshabaab oo dad ku laysay gudaha Kenya

Ilwareed Online

Saddex ruux ayaa la dilay guryo dhawr ahna waa la gubay ka dib markii malayshiyo loo malaynayo Al Shabaab ay weerartay deegaanka Maleli ee ka tirsan degmada Lamu ee dalka Kenya, sida uu ku warramayo wargayska Standard.

Wargays kale oo dalka Kenya ka soo baxa ayaa qoray in saddexda ruux ee la dilay kurka laga gooyay weerarkaasina uu dhacay habeennimadii Khamiista.

Wargeyska Star ayaa ku warramay in taliyaha booliiska ee gobolkaas xeebta Gilbert Kitiyo uu xaqiijiyay dhacdadaas.

Wuxuuna sheegay in ay askar u direen deegaankaas ayna qiimaynayaan xaaladda.

Weerarkaas ayaa yimid iyadoo ay horay deegaankaas uga dhaceen weerarro halis ah, iyadoo malayshiyaadku ay weerarro ku qaadeen tuulooyin.

Milatariga Kenya ayaa hawlgallo badan ka fuliyay gobolkaas kuwaas oo ay ku jiraan duqaymo dhanka cirka ah oo ay ku bartilmaameedsanaysay kaynta Boni oo ku teedsan Soomaaliya, halkaas oo malayshiyada inteeda badan.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Alshabaab oo dad ku laysay gudaha Kenya appeared first on Ilwareed Online.

}

You might also like More from author