Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhigga Booliska Mandera

Ilwareed Online –

Koox lagu sheegay Al-shabaab oo maanta weerartay saldhig ciidamada booliiska Kenya ku leeyihiin degmada lafey ee gobolka Mandera waxaa ku dhinaty hal askari , waxayna gubeen baabuur ciidamada booliiska Kenya la haayeen, siday xaqiijiyeen laamaha amaanka dalkaas.

Laamaha oo booqday saldhiga la weeraray ayaa sheegay kooxda weerark gaysatay inay yihiin Al-shabaab, islamarkaasna ay la baxsadeen Gaari ciidamadu lahaayeen.

Sidoo kale laamaha amaanka Kenya ayaa tilmaamay kooxda weerargaysatay inay ka koobnaayeen 50 Ruux oo watay hubka noocyadiisa kala duwan, saldhiga la weerarayna ay ku sugnaayeen 12 Sarkaal.

Isku Duwaha Dhanka ammaanka ee Gobolka Waqooyi Bari Amb. Maxamud al Saleh oo War-saxafadeed uu soo saaray Kadib Weerarkaas ayuu Warbaahinta u Xaqiijiyay In Ciidamo badan oo gurmad ah ay Dowladda u Dirtay Degmada Lafey si ay jawaab kaga bixiyaan weerarkaasi.

Dadka deegaanka Lafey ayaa sheegay in dhowr jeer ku arkeen iyagoo ku dhuumaalaysanaya deegaanka , islamarkaana ku wargaliyeen laamaha amaanka Kenya.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli dalka Kenya laga cabsi qabo weeraro ay Al-shabaab ka gaystaan gudaha dalkaas, waxaana doorashada Kenya ka harsan maalmo qura .

Shalay ayey ahayd markii mudaharaad ka dhacay dalkaas oo lagaga cabanayey sarkaal sare oo ka tirsana guddiga doorashada oo la dilay.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhigga Booliska Mandera appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author