Al Shabaab oo toogtay Askari Kenyaan maxbuus u ahaa

Ilwareed Online –

Muuqaalkan oo ay soo bandhigeen Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa ka soo muuqday Askari ka mid ah Ciidamada militariga ee Dalka Kenya.

Askarigan oo magaciisa lagu sheegay Leonard Maingi ayaa waxaa lagu qabtay Weerarkii Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Degaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo.

Muuqalka ayaa sidoo kale waxaa ka soo muuqday Dagaal yahan ka tirsan Al Shabaab, kaasi oo bistoolad ku hubeysnaa islamarkaana toogasho ku dilay Askariga Kenyaanka ahaa.

Dagaal yahanka fuliyay xukunkaasi dilka ahaa ayaa ku hadlayay luqada Sawaaxiliga, waxuuna u sheegay Dowladda Kenya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Ciidamadooda uga saaraan Dalka Soomaaliya.

Sikastaba, 17-kii bishii January ayee aheyd markii Xoogaga Al Shabaab ay toogasho ku dileen Askari u dhashay Dalka Uganda, kaasi oo lagu soo qabtay weerar lagu qaaday saldhig Ciidamada Uganda ay ku la haayeen Degaanka Janaale ee Gobolka Sh.Hoose.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Al Shabaab oo toogtay Askari Kenyaan maxbuus u ahaa appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author