Al Shabaab oo Soo Bandhigtay Saldhigii Ay Ka Baxeen Ciidamada AMISOM ee Deegaanka Leego

Ilwareed Online

Xarakada Al Shabaab ayaa soo bandhigtay Muuqaalka saldhigii Ciidamada AMISOM dhawaan ka baxeen ee kuyaala deegaanka Leego gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana saldhigaasi la wareegay dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Saldhigii Ciidamada AMISOM ee ku lahaayeen deegaanka ayaa xiligan ah mid haawanaya , waxaana saldhigaasi boobay agabkii yaalay dadka deegaanka oo loo fasaxay in ay qaataan agabkii Ciidamada AMISOM ka tageen.

Saldhigan ayaa horey waxaa weerar ugu qaaday Al Shabaab kuwaa oo ku dilay ciidamo badan oo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi , waxaana saldhigan maalmo kahor isaga baxay ciidamadii AMISOM oo halkaasi ku sugnnaa sabab aan la shaacin.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Al Shabaab oo Soo Bandhigtay Saldhigii Ay Ka Baxeen Ciidamada AMISOM ee Deegaanka Leego appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author