Al-Shabaab oo Sheegatay Dilkii Xalay Muqdisho Loogu Geestay Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud

Ilwareed Online –

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu eestay Guddoomiyihii gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilmi ee Maamulka Galmudug.

War kasoo baxay Kooxda Al Shabaab oo lagu faafiyay Baraha ay Internetka ku leeyihiin ayaa lagu sheegay in dagaalyahano katirsan kooxdooda ay fuliyeen dilka loo geestay Gudoomiyaha.

Kooxo hubeesan ayaa xalay Guri kuyaala Xaafada Carafaad ee degmada Yaqshiid waxa ay ku dhax dileen Guddoomiyihii gobolkii Galgaduud Maxamed Cali Cilmi iyo Walaalkiis Xasan Sheekh Cali Cilmi.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in Koox hubeesan oo gaari wadatay ay gudaha u galeen guri kuyaala Xaafada Carafaad halkaasna ay ku dileen Gudoomiyihii gobolka Galgaduud iyo Walaalkiis, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday dableydii dilka geesatay.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa dilka kadib gaaray xaafada Carafaad gaar ahaan halka uu dilku ka dhacay, ciidamada ayaana baaritaano ay sameeyeen ku guul darestay in ay soo qabtaan ragii dilka geestay.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa u magacabay Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Maxamed Daahir Sheekh Cali Cilmi 10-kii bishii Janaayo sanadkan 2017- , waxaana dilka masuulkan cambaareeyay masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post Al-Shabaab oo Sheegatay Dilkii Xalay Muqdisho Loogu Geestay Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author