Al-Shabaab oo Rag u dhashay Dalka India ku dilay Degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe

Wararka laga helaayo Degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe ayaa sheegaya in Al-Shabaab gelinkii dambe ay halkaas ku dileen 2-nin oo u dhashay dalka India.

Raga la dilay ayaa u dhashay India, ayaa iyagu ka mid ahaa Ajaaniibta la joogta Al-Shabaab,waxaana la sheegay in Shabaabka ay u qaabilsanaayeen Xariirka Caalamiga ah.

Dilka la dilay ragaan ayaa loo sababaynayaa Khilaaf soo kala dhexgalay iyaga iyo Madaxda Al-Shabaab, iyadoo Khilaafka la sheegay inuu salka ku hayo in Raggaan u dhashay India ay wadeen qorshe ay ugu biirayaan Kooxda isku magacoowday Khilaafada islaamka ee Daacish,faracooda Soomaaliya.

Dhanka kale dilka ragaan u dhashay India ayaa ka duwanaa Dilalkii ay horay u fulin jireen Al-Shabaab, wuxuuna ahaa mid si qarsoodi ah loo fuliyay sida ay noo sheegeen Dadka degaanka Jilib ku sugan.

The post  Al-Shabaab oo Rag u dhashay Dalka India ku dilay Degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author