Al-Shabaab oo Nin Ganacsade ah ku gowracay Duleedka Degmada Waajid ee Gobalka Bakool.

Ilwareed Online

Wararka ka imaanaya Degmada Waajid ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay halkaasi ku gowraceen nin Ganacsade ah, sida ay xaqiijiyeen dadka ku dhaqan deegaankaas.


Nika la gowracay oo ahaa Ganacsade ayaa la sheegay in lagu arkay meydkiisa deegaan lagu magacaabo Caleemow oo qiyaastii 22 km u jira degmada Waajid ee gobalka Bakool, waxaana la sheegay inay la socdeen Saddex qof oo kale kuwaas oo la sheegay inay baxsadeen.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa raggaan ku qabtay deegaan lagu magacaabo Caleemow oo 22 KM ujira Degmada Waajid, kuna dhaw degaanka Buurdhuxule oo ka tirsan Bakool.

Ganacsadaha ay Shabaabka Gowraceen ayaa la sheegay inuu raashin u waday Magaalada ay Al-Shabaab go’doomiyeen ee Waajid,waxaana magaaladaasi ay go’doon ku jirta in ka badan 4 sano.

Dhanka kale dad badan ayaa sidaan oo kale Al-Shabaab u dileen kuwaas oo raashin Ganacsi u waday Waajid iyo magaalooyin kale oo gobalka Bakool ka tirsan.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Al-Shabaab oo Nin Ganacsade ah ku gowracay Duleedka Degmada Waajid ee Gobalka Bakool. appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author