Al-Shabaab oo la wareegtay Deegaanka Goof-Gaduud ee Gobolka Bay

Wararka ka imaanaya Gobolka Get the best Top Avana deals at our online store today! Take a look at our offers and buy your Top Avana for only 4.28 USD! Bay, gaar ahaan deegaanka Goof-gaduud ayaa sheegaya inay la wareegeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab, kadib weerar ay ku qaadeen deegaankaasi.


Dagaal culus oo u dhaxeeyey ciidamada maamulka Koonfur galbeed,kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa halkaasi ka dhacay, dadka deegaankaasi ayaa sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Al-Shabaab ayaa la sheegay inay la wareegeen deegaanka Goof-gaduud, oo saakay ay duulaan ku qaadeen, kaasi oo 30-KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Dhanka kale waxaa hadda la soo sheegayaa in ciidamo fara badan oo gurmad ah inay halkaasi ku sii socdaan, iyadoo ciidamadaasi intooda badan ka soo ambabaxeen Magaalada Baydhabo.

You might also like More from author