Al-Shabaab oo Dab qabadsiiyay Tuulo oo hoos tagta Degaanka Janaale ee Gobolka Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay Dab qabadsiiyeen Tuulada Busleey oo hoostagta Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.


Dadka ka soo cararay Tuuladaasi la gubay oo u waramay Warbaahinta ayaa sheegay in sababta loo gubay Tuulada ay tahay Khilaaf soo kala dhexe gelay Al-Shabaab dhexdeeda.
Tuuladaasi ayaa la gubay saakay markii ay dagaalameen dagaalameen Al-Shabaab dhexdooda, taasna ay keentay in tuulada ay dab qabadsiitaan qaarkood.
Shabaabka ayaa markii dambe go’aansaday in dadka ku dhaqan ka mamnuucaan in Tuulada ay ka baxaan dadka halkaasi ku dhaqan, islamarkaana waxay sidoo kale diideen in dadka kala baxaan Alaabtooda.
Dhanka kale ma ahan markii ugu horeeyay oo Al-Shabaab ay Dab qabadsiiyaan Tuulooyin ku yaalla Gobolka Sh/Hoose, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Sh/Hoose iyo Maamulka Shabellaha Hoose.

The post Al-Shabaab oo Dab qabadsiiyay Tuulo oo hoos tagta Degaanka Janaale ee Gobolka Sh/Hoose appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author