Al-Sahabaab oo qarxiyay Shacab ku Howlanaa xiritaanka fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle

Ilwareed Online

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay qarax miino u dhigeen Dad Shacab ah oo ku Howlanaa xiritaanka meel uu fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabeelle ee magaalada Jowhar .


Odayaasha dhaqanka ee Tuulada Nuukaay oo ku taala duleedka degmada Jowhar ayaa sheegay inay maalmahaan Al-Shabaab iyo dadka Beeralayda ah ay ku muransanaayeen in biyo xereeno loo sameeyo meelo uu fatahaad ka sameeyay wabiga shabeelle Al-Shabaabna ay diidanaayeen in halka uu Wabiga ka fatahay la xiro.
Al-Shabaab ayaa doonayay in halkaan ay ku sii daayaan biyo wadooyinka jara si aysan u isticmaalin Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM halka dadka beeralayda ahna ay taas ku tahay dhibaato culus maadaama ay halkaasi ku leeyihiin Beero ka soo baxaya dalagyo badan.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday Caag 20-ka Liter ee loo yaqaano (Jirigaanka ), khasaaraha qaraxaasi ka dhashay ee dhimasho iyo dhaawac ayaan ilaa iyo hadda la ogayn, iyadoo dadka deegaanka sheegeen in dad dhowr ah ay qaraxaasi ku dhawaacmeen.
Dhanka kale Maamulka gobalka iyo maamulka degmada Jowhar ayaa sheegay inay faah faahin ka bixin doonaan khasaaraha qaraxaasi uu sababay sida ugu dhaqsiyaha badan.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Al-Sahabaab oo qarxiyay Shacab ku Howlanaa xiritaanka fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author