Agaasimihii hore ee FBI ka shifay In Donald Trump uu Weydiiste In Uu Joojiyo Baartianka Ka Dhanka Ah

Guddiga sirdoonka Senate-ka Mareykanka ayaa daabacay caddeyn uu siiyay Agaasimihii FBI-da ee xilka laga qaaday, taas oo uu ku sheegayo in Madaxweyne Trump uu waydiistay inuu faraha ka qaado baaritaanka uu ku hayay lataliyihiisii hore ee dhanka ammaanka.

James Comey, ayaa faafaahin ka bixiyay 5-ta jeer ee ay wadahadleen Madaxweynaha iyadoo markastana uu Trump si ku celcelis ah u dalbanayay inuu daacad u noqdo.

Waxa uu sheegay in Trump uu ku sheegay baaritaanka Ruushka ka dhanka ah ay tahay “daruur” dul taagan.

Mr Comey ayaa sidoo kale sheegay inuu saddex jeer u sheegay Trump inuusan cadaadis saarneyn oo uusan xaqiijinayn waxa uu madaxweynuhu arrintan kala socdo.

Qareen u hadlay Trump ayaa sheegay in madaxweynuhu uu dareemay inuu nadiif yahay kaddib markii Comey uu u caddeeyay in shakhsiyadiisa aanay ku socon wax baaritaan ah.

The post Agaasimihii hore ee FBI ka shifay In Donald Trump uu Weydiiste In Uu Joojiyo Baartianka Ka Dhanka Ah appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author