Abuu Mansuur “Waan ka Difaaceeynaa Al-Shabaab…” Dhageyso

Ilwareed Online

Xili Shalay dagaal culus oo u dhaxeeyay Maleeshiyaad Daacad u ah Abuu Mansuur iyo Al-Shabaab ay ku dagaalameen Gobolka Bakool ayaa dagaalkaasi waxaa ka hadlay maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Ku Simaha Madaxweynaha Koonfgur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi Ayaa ka hadlay dagaalkaasi u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidamada Abuu Mansuur.

Fiqi Ayaa sheegay in Dagaalkaasi dhowr jiho ay ka soo qaadeen Al-Shabaab islamarkaasina ay doonayeen in ay qabtaan Abuu Mansuur hayeeshee aanay u suuragalin.

Waxa uu sheegay in qasaaro ba’an uu Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalkaasi oo ahaa mid aad u culus islamarkaasina geeystay qasaarooyin badan.

Waxa uu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed ay difaaci doonaan Abuu Mansuur isaga oo sheegay in aanay u dul qaadan doonin in Al-Shabaab ay weeraraaan hogaamiye fikirkooda qilaafay oo wadahadalo kula jiro dowlada iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya deegaankii lagu dagaalamay ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado dagaal oo joog hoose ku duuliyo lagu arkayo deegaankii lagu dagaalamay.

Dowlada Dhexe ee Soomaaliya wali wax faah faahin ah kama bixin dagaalkaasi iyo waxa ay ka yeeleeyso Abuu Mansuur oo Al-Shabaab ka soo baxsaday.


http://wardoon.net/wp-content/uploads/2017/08/Koonfur-Galbeed”-Abuu-Mansuur-Waan-ka-Difaaceeynaa-Al-Shabaab”.mp3



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Abuu Mansuur “Waan ka Difaaceeynaa Al-Shabaab…” Dhageyso appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author