Abuu Mansuur oo laga soo Dajinayo Muqdisho

Ilwareed Online

Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur oo Isku Dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in goordhow laga soo dajiyo magaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa kulan uu la qaatay Abuu Mansuur ka dhaa Dhiciyay in uu yimaado Muqdisho.

Waxaa Lagu wadaa in Abuu Mansuur uu kulan la qaato madaxda ugu sareeyo dalka Soomaaliya si looga wada hadlo arimaha quseeyo Abuu Mansuur.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Abuu Mansuur markii uu yimaado Muqdisho loo soo bandhigi doono Warbaahinta .

Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa ahaa xubin fir fircoon oo katirsanaa Al-Shabaab kadib qilaaf soo kala dhexgalay ayuu go’aansaday in uu isaga soo baxo kuna soo Biiro dowlada Soomaaliya.

Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Abuu Mansuur oo laga soo Dajinayo Muqdisho appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author