Aadan Barre Ducaale oo Sheegtay Inuu Ka Adkaaday Faarax Mayalin *Daawo*

Ilwareed Online

Aadan Barre Ducaale ayaa markii sedexaad noqday xildhibaanka laga soo doorto bartamaha magaaladda Gaarisa kadib markii uu tartan adag uga adkaaday Faarax Macalin Dawaare.

Natiijadda la tiriyay ayaa muujineysa in Aadan Barre uu helay wax ka badan codadkii loo baahnaa, waxaana guushiisa kadib uu saxaafada usheegay in xisbigiisa Jubbilee ay dalka Kenya kasii talin doonaan.

“Doorashada waa ay dhacday waliba si nabad ah, aniga waan guuleystay xisbigeygana waa guuleystay”ayuu yiri Aadan Barre Ducaale oo ah gudoomiyaha aqlabiyadda barlamaanka Kenya.

Gobolka ay Soomaalidu degan tahay ee Waqooyi Bari ayaa si weyn aanan looga codeyn, laakiin waxaa ay afar meelood sedex meel codkooda siiyeen xisbiga Jubbilee ee Uhuru Kenyatta hogaamiyo.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

The post Aadan Barre Ducaale oo Sheegtay Inuu Ka Adkaaday Faarax Mayalin *Daawo* appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author