80 Qofood oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Kabul+Sawirro

Gaari la tuhmayo in uu yahay kuwa xamuulka qaada oo ku dhuftay bartamaha magaalada Kapul ee dalka Afghanistan ayaa sababay dhimashada inta la xaqiijiyay 80 qufood halka boqolaal kale ay ku dhaawacmeen waxaana qaraxan lagu tilmaamay in uu yahay mid kamid ah qaraxyada ugu xooga badan ee ka dhacay wadanka Afghanistan.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob aan ka fogeyn  fagaaraha Zanbaq halkaa oo sidoo kale ay u dhaw-yihiin goobo ganacsi iyo maqaaxiyo laga cunteeyo waxaana sidoo kale ka ak dhaw safaaradaha dowladaha shisheeye ee xaruntoodu tahay caasimada Kapul.

Majirto ilaa imika cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi Laakiin afayeenka Ururka Taalipaan ee dalkaasi Kadagaalama Zabihullah Mujahid oo la hadlay Televison-ka Aljazeera ayaa sheegay in weerarka aysan ku lug laheyn Ururka Talipan.

The post 80 Qofood oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Kabul+Sawirro appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author