41 Jir Kufsi Iyo Dil Isugu Daray gabar yar oo 3 Jir Ah Oo Si Adag Loo Qisaasay

Ilwareed Online –

Maxkamada magaalada Sanca ee caasimadda Yemen ayaa dil qisaas aan horay loo arag ku fulisay Muhammad al-Maghrabi, 41-jir oo lagu eedeeyay inuu kufsaday gabar yar oo seddax sano jir socod barad ah, kadibna markii uu ka xaajo dhameystay ceeji ku dilay.

Eedeysanahaan oo arbacadii lagu qisaasay magaalada Sanca ayaa waxaa dilka qisaastiisa geystay askari ka tirsan booliska, kaasoo qori AK 47 ah la dul tegay, kadibna madaxa dhulka ugu celiyay qoriga caaradiisa, kuna furay ilaa seddax xabadood, oo uu ku dhiman waayay, kadibna wuxuu u celiyay labo xabo oo dhinaca wadnaha uu kaga dhacay.

Muhammad al Maghreb ayaa kufsaday kadibna dilay Rana Almatari oo seddax sano jir aheyd, waxaana goobta qisaasta ka dhacaysay ku sugnaa aabaha iyo hooyada gabadhaasi xadgudubka loo geystay u dhimatay iyo boqolaal dadweyne.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook :
Ilwareed Online

The post 41 Jir Kufsi Iyo Dil Isugu Daray gabar yar oo 3 Jir Ah Oo Si Adag Loo Qisaasay appeared first on Ilwareed Online.

You might also like More from author