Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya oo goordhow dalka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho
This article was Published at: 07-03-2010 and has been viewed 419 times
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay maanta ka dhoofeen Magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Ingiriiska oo ay ka helaan casuumaad.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah: Gudoomiyaha Maxkaamdda sare ee dalka Maxamuud Faarax Indho-buur, Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiiradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Fowziyo Maxamed Sheekh, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta C/risaaq Cusmaan Xasan (Jurille) iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee xukuumadda.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay Madaxda dalka Ingiriiska la qaataan kulamo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, sidoo kalena waxay la kulmi doonaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay booqdaan Magaalooyinka London iyo Birmingham oo ay degan yihiin dad badan oo Soomaali ah, isagoo sharraxaad ka siin doona xaaladda dalka uu ku sugan yahay.

Safarkan ayaa noqonaya kii labaad oo uu Madaxweyne Sheekh Shariif ku tago dal ka mid ah dalalka codka xooggan ku leh Qaramada Midoobay, wuxuuna horay u booqday Dalka Mareykanka.

COMMENTS ( No Comments available )
Page
 

Your e-mail :

Your Comment:




 
ARTICLES
Live Radio Codka Nabada
Saturday, August 14 2010
Kutabey iyo Nimco Dareen
Tuesday, August 10 2010
CALAAMADAHA UURKA BILAWGA AH
Sunday, August 01 2010
INTERVIEWS
SOMALI LINKS
4somaliwomen
Allwariye
Alxaq
Balcad
bbc
Burtinle
Buurta
Caliyaale
Camaloow
Ceelbuur
Ceelbuur
Ceelderaad
Ceelqaboobe
dalkanews
Dhagaxtuur
Falaar
Garowe
Gedo
Gedonet
Halgan
Hamarey
Hiiraamweyn
Hiiraan
Hilinkatoosan
Hillaac
hobyo
Horn Afrik
Jowhar
Jowharonline
Laascaanood
Maaryaa
Mareeg
Mareeg
Marka Cadey
Markacadeey
Miisaanka
Mudulood
Onkod
Qaadisiya
Qaranimo
Raxanreeb
Saafiflims
Saaxil
Saxafa
somaliatoday.net
somalifan
Somalitalk
© Copy Right 2010 www.balcad.com | All Rights Reserved
Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.