Taliyihii Ciidamada dowladda Gedo oo markii ugu horeeysay ka warbixiyay is dhiibkiisa.
This article was Published at: 16-04-2009 and has been viewed 225 times
Taliyihii Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo oo dhawaan isku dhiibay Xoogaga Al-shabaab ayaa markii ugu horeeysay ka warbixiyay sababihii dhaliyay is dhiibitaankiisa.

Xasan Daahir Yaroow (Xasan Dheere) oo ahaa Taliyihii ciidanka Booliska gobolka Gedo ee dowladda KMG Soomaaliya oo maalmo ka hor isku dhiibay Xoogaga Al-shabaab ee gacanta ku haya Magaalada Balad Xaawo ayaa ka warbixiyay sababaha ku kalifay in uu isku soo dhibo xoogaga Al-Shabaab, isagoo dhinaca kale farriin u diray saraakiisha dowladda ee wali ku sugan degmada Doolow.

Isagoo u waramayay warbaahinta ayaa Xasan Dheere  waxaa uu meesha ka saaray warar la isla dhexmarayay maalmahaan oo ku saabsanaa in uu isku soo dhiibay xoogaga Al-Shabaab ee Magaalada Balad Xaawo, waxaana uu ka warbixiyay sababa ku kalifay in uu Balad Xaawo soo gaaro in ay la xariirto heshiis iyo wadahadalo in mudo ah u dhaxeeyay isaga iyo xoogaga Al-Shabaab oo ku aadan in uu halkaasi isaga tago taasoo uu sheegay in ay  iska ka aqbalay.

Xasan Dheere mar la weydiiyey su'aal ku aadanayd in uu jiro qilaaf soo kala dhex galay isaga iyo masuuliyiinta ku sugan degmada Doolow oo ku saabsan dhinaca fikradaha ayuu sheegay in aysan jirin wax qilaaf ah oo kala dhaxeeya masuuliyiinta degmadaasi sababta uu halkaasi uga soo tagayna ay tahay in uu u adkeeysan waayay xaaladda murugsan ee ka taagan dalka Soomaaliya iyo  cabsi uu kaga baqayo ciidamada Ethiopia in ay waxyeelo kaga timaado.

Waxaa uu sheegay in uu farriin u dirayo masuuliyiinta kale ee ku sugan degmada Doolow taasoo ku aadan in ay isaga soo tagaan halkaasi si ay uga qeyb qaataan howlaha lagu nabdeynayo bulshada ku dhaqan gobolka Gedo.

COMMENTS ( No Comments available )
Page
 

Your e-mail :

Your Comment:




 
ARTICLES
Live Radio Codka Nabada
Saturday, August 14 2010
Kutabey iyo Nimco Dareen
Tuesday, August 10 2010
CALAAMADAHA UURKA BILAWGA AH
Sunday, August 01 2010
INTERVIEWS
SOMALI LINKS
4somaliwomen
Allwariye
Alxaq
Balcad
bbc
Burtinle
Buurta
Caliyaale
Camaloow
Ceelbuur
Ceelbuur
Ceelderaad
Ceelqaboobe
dalkanews
Dhagaxtuur
Falaar
Garowe
Gedo
Gedonet
Halgan
Hamarey
Hiiraamweyn
Hiiraan
Hilinkatoosan
Hillaac
hobyo
Horn Afrik
Jowhar
Jowharonline
Laascaanood
Maaryaa
Mareeg
Mareeg
Marka Cadey
Markacadeey
Miisaanka
Mudulood
Onkod
Qaadisiya
Qaranimo
Raxanreeb
Saafiflims
Saaxil
Saxafa
somaliatoday.net
somalifan
Somalitalk
© Copy Right 2010 www.balcad.com | All Rights Reserved
Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.