Kooxo burcad Badeeda Soomaali ah ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen markab laga leeyahay wadanka Maraykanka oo si dirqi ah uga bad baaday.
Kooxahani burcad badeeda Soomaalida ah waxaa ay ku weerarneen markab sita calanka wadanka Mareykanka ilaa iyo dhowr Baasuuse iyo Qoryaha dararndooriga u dhaca lagu weeraray Kaasi oo si dirqi ah uga fakaday kooxaha burcad badeeda maalmo kadib markii ciidmaada Badda Mareykanka ay ka fakiyeen Captan u dhashay wadankaasi.
Falalka ay kooxaha buracad badeeda ku weerareen markabka lagu magacaabo Navy SEALs ee xeebaha caalamiga ah ee Africa ayaa waxaa ay muujineysaa in kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ay si weyn ugu laabteen howlaha qafaalashada.
Kooxaha burcad badeeda waxaa ay gacanta ku dhigeen oo ay heystaan illaa 4-markab oo ay saaran yihiin illaa 60-qof oo ay madax furasho u heystaan illaa iyo markii ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ay dileen 3-ka mid ah kooxaha burcad badeeda xilli ay furanayeen Captanka lagu magacaabo Richard Phillips.
Mid ka mid ah kooxaha burcad badeeda ayaa sheegay in aysan jirin cid ka hor tagi karta howlaha ay ku guda jiraan ee Qafaalashada Maraakiibta shisheeye.
Markabkani lagu magacaabo USS Bainbridge ayaa waxaa la sheegay in ay saarnaayeen shaqaale u dhashay wadanka Mareykanka kuwaasi oo la tilmaamay in ay hada ka nabad qabaan weeraradii loo adeegsaday Baasuukayaasha iyo qoryaha darandooriga u dhaca sida ay sheegtay shirkada Markabkaasi iska leh ee saldhigeedu uu yahay magaalada New York ee wadanka Mareykanka.
Ciidamada Mareykanka ayaa waxaa ay sheegeen in goobtaasi ay u soo direen Markabka lagu magacaabo A U.S. Navy ee ah Markabkii badbadiyay Captanka Mareykanka u dhashay kaasi oo saacado kadib soo gaaray goobta lagu weeraray Markabka, laakiin Afhayeen u hadlay Markabkaasi ayaa sheegay in aysan arkin kooxihii Burcad badeeda.
Markabkani oo ah markab dagaal ayaa waxaa uu yahay Markab rondo ku sameeynaya Xeebaha gacanka Cadmeed iyo xeebaha Soomaaliya si uu uga hor tago kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah.
Mid ka mid ah kooxaha burcad badeeda oo magaciisa ku sheegay Cumar Daahir Iidle ayaa Qadka taleefanka wakaalada wararka ee AP ugu sheegay in weeraradooda ay xoojiyeen taasi oo ay ula jeedaan in ay muujiyaan in aysan jirin cid ka hor tagi karta Biyaha Soomaaliya, waxaana uu tilmamaamay in ay u dhimanayaan wadankooda.
Admiral Michael Mullen ayaa waxaa uu isna sheegay in hanjabaada ka soo yeeraya kooxaha burcad badeeda ay u qaadanayaan mid dhab ah isla markaana ay la macaamil doonaan wax waliba oo ay ku qaadato.