GudahaWararka

Maxkamada sare ee ciidamada oo markale xukun dil ah ku riday G/Sare Cabdinaasir Xoosh

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa markale Xukun dil ah ku riday Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxammed oo horay dil ugu soo xukuntay Maxkamadda Darajada 1aad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed ayaa 18-kii bishii Janaayo ee sanadkan gudaha Dekadda Muqdisho ku dhex dilay Taliye ku xugeenkii ciidanka badda Soomaaliya Generaal Siciid Mariino kadib markii uu muran dhex maray.

20-Bishii February ayaa Maxkamada Ciidamada Qalabka sida waxa ay ku riday Ex, G/sare Cabdinaasir xukun dil toogasho ah,balse uu racfaanka qaatay,balse ugu dambeyn maanta markale xukun dil toogasho ah lagu xukumay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida S/guuto Liibaan Cali Yarow ayaa ku dhowaaqay Xukunka dilka ah ee lagu riday Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed .

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close