GudahaWararka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo u magacaabay guddoomiye cusub degmada Laascaanood

Kusimaha Madaxweynaha ahna madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng, Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar ayaa wareegto uu kazoo baxday Xafiiskiisa ugu magacabay duqa degmada Laascaanood Cabdiqani Makhtal Maxamed Garaad.

Wareegtadan ayaa waxaa sidoo kale xilkii loogaga qaaday duqii hore ee magaaladaas Cabdalle Xaaji Warsame, hase yeeshee Magaalada Laascaanood ayaa waxaa gacanta ku haya Maamul Soomaliland oo Puntland dagaal kaga qabsaday bishii October 2007.

Puntland ilaa sanadkii 2007 waxaa ay u magacaabaysay degmadaas Gudoomiyaaal kale duwan kuwasoo ku shaqaynayey degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Halkan hoose ka aqriso wareegtada lagu magacaabay guddoomiyaha cusub

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close