SportsWararka

Sawirro: Mane, Salah, Firmo iyo saaxiibadood oo soo gaaray Anfield

Ciyaaryahanada Liverpool ayaa soo gaaray Anfield kahor ciyaarta lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League la leeyihiin Porto talaadada.

Reds waxa ay ciyaareysaa kulanka labaad iyada oo guulweyn ka soo gaartay kooxda Bortoqiiska lugtii hore oo ay 5-0 uga soo badisay.

Laakiin tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in aysan is dhigan doonin isaga oo arintaas kala hadlay ciyaaryahanadiisa.

Inkastoo kooxda martida loo hayey haysato natiijo weyn hadana tababare Klopp waxaa loo badinayaa in uu safkiisa ugu xoogga badan ee uu kula ciyaaro kooxaha Premier League ku soo bilaabo.

Liverpool waxa ay Premier League kaalinta labaad kula dagaalamayaan Manchester United oo ay Old Trafford ku booqan doonaan sabtida.

Tababaraha u dhashay Jarmalka waa loo cudur daari karaa haddii uu nasiino siiyo ciyaaryahaandiisa muhiimka ah laakiin waxa uu sheegay in uu Porto iyo tartanka xushmad u hayo.

“Ma aha wax nasiino ku saleysan. Porto wey soo badisay kulamadeeda oo dhan tan iyo markii aan la ciyaarnay,” ayuu Klopp yiri.

“Jawaab ayey nasiin doonaan, taas waa waxa ay rabaan. Waa Bortoqiis qab leh weyna dagaalami doonaan. Jawaab in ay bixiyaan ayey raban.

“Haddii uu jiro qof u maleenaya in ay halkan u yimaadeen ciyaarta kulanka kaliya, oo ay laacibiinteeda fiican uga soo taktay guriga ama wixii ay ahaato wey qaldin yihiin. Champions League iyo aduunka oo dhan ayaa daawanaya. Maxaadu maleeneysaa?

“Kaa fakaro hal daqiiqo in an qof nasiyo. Waan aqaanaa waxaa noogu xiga Manchester United laakiin ma badali karno.

‘Ma dhihi karno “Kan ciyaarsii oo kan nasi”. Markaa wadada aan ku soconaa. Waxaan nahay tartamayal waa in aan waxaas oo dhan u shqeyno. Waana u shaqeyn doonnaa kuwaas oo dhan.”

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close