GudahaWararka

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay shir uu soo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kaga qeyb galay Madal looga hadlayay maareynta dhibaatooyinka nabadgelyo darida iyo xasilooni la’aanta ka jirta Caalamka.

Madashan oo uu soo qaban qaabiyay Bankiga Adduunka ayaa waxaa si gaar diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa iska hor imaadyada rabshadaha wata, saboolnimada, kor u qaadida nolosha guud ee bulshooyinka.

Kulankan ayaa waxaa lagu casuumay Madax iyo wakiilo ka socday Hey’ado caalami ah, waxaana la intii madasha socotay jiray doodo la xiriira xaaladaha ay xilligan wajaheyso caalamka ee dhibaatooyinka amni xumo iyo xasilooni darida.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa intii dooda socotay waxaa la weydiiyay su’aalo, isagoo kaga jawaabay tallaabooyinka ay Xukuumaddiisa qaadeyso sida la tacaalida dhibaatooyinka amni, arrimaha bani’aadanimada, hagaajinta hanaanka maamulka dhaqaalaha dalka, la dagaalanka musuq maasuqa iyo arrimo kale.

Shirkan ayaa la filayaa in la soo gabagabeeyo 7-da bisha oo ku beegan maalinta berri, waxaana la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha kulamo la qaato Madaxda Bankiga Adduunka iyo Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, si Soomaaliya looga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Show More

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close