Dhammaan Golayaasha “Somali American United Council” ee Arizona, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Madaxweynaha Dawlada Federaliga KMGka ee Somaliyeed Mudane Sheikh Shariif Sheikh Ahmad, Hogaanka iyo xubnaha/ tageerayaasha Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca,
Dhammaan Golayaasha “Somali American United Council” ee Arizona, waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Madaxweynaha Dawlada Federaliga KMGka ee Somaliyeed Mudane Sheikh Shariif Sheikh Ahmad, Hogaanka iyo xubnaha/ tageerayaasha Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca, dhammaan xubnaha Dawlada KMG-ka ah ee Somaliyeed iyo masuuliyiintii labada dhinac ee waayadanba ku hawlaneyd ka guul gaarka heshiiskan taariikhiga ah ee danwadaag oo SomaliWeyn u horseedi doona nabad, deganaansho iyo baraare.
Waxaanu tageersanahay nabada iyo Dib-U-heshisiinta ay Dawlada KMG-ku ku yaboohday, kuna dhaqaaqday, waxaanna loo baahanyahay in sahankaas la-wada tageero, illow is-afgarad, is-fahan, is-tixgelin, isu-tanaasul iyo wada-tashi ayaa Guul la hubo lagu-gaari-karaa.
Waxaanu ayidsanahay heshiiska iyo nabad ku xallinta dhibaatooyinka ka abuurmay Dalkeenna hooyo, waxaanuna ku talineynaa in laga shidaal qaato tallaabadaan, si nabadi ku dheehan-tahayna lagu dhammeeyo is-afgarad-waa kasta ee ka abuuranta aragtiyada kala duwan.
Qaranimadu waa muqadas, waxayna ku haboon-tahay in maanku shaqeeyo oo la joojiyo, lagana fogaado dhiiga micne la'aanta u daadanaya iyo dhibaatada danyarta gaareysa ee aan sababta loo hayn.
Ugu dambeyn, waxaanu u hambalyeyneynaa Guusha Nabadeed ee ay wada gareen Dawlada Federaliga KMG-ka ee Somaliyeed iyo Hogaanka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca, waxaanuna rajeyneynaa in meelmarinta mideynta awoodoodu ay si habsami ku dheehantahay u hirgasho.
Guleeysta!
Prof. Mohamed Ali Abukar
Mudane Mukhtaar A. Ali
Founder/ President
Chair Board of Directors
ARIZONA
2425 E. THOMAS ROAD - Suite 11
PHOENIX, ARIZONA 85016
Tel: (602) 522 2100; Fax: (602) 667 9700
www.somaliauc.org