Isarasaseeyn dhimasho iyo dhaawac sababtay ayaa labo maleeshiyo beeleed oo muran biyo ah uu u dhexeeyay ku dhexmartay deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Isaraaseeyn u dhexeeysay labo Maleeshiyo Beeleed oo wada dega deegaanka Qod qodoow ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ay sababtay dhimasho iyo dhaawac kaddib markii dagaalkooda uu ka dhashay biyo deeq ah oo la gaarsiiyay deegaankaasi.
Inta la hubo waxaa israsaaseyntaasi ku nafwaayay 1-ruux waxaana dhaawacyo kala duwan ay ka soo gaareen 3-qof oo 2-ka mid ah ay xaaladooda wanagsan tahay halka midka kale dhaawaciisa oo cuslaa loo soo qaaday Cusbitaalada Magaalada Muqdisho sida ay saxaafadda u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaankaasi ku dhaqan.
Deegaankani ay israsaaseynta ku dhex martay labada maleeshiyo ayaa waxaa uu ka mid yahay deegaanada ay ka jiraan biyo la'aanta taasi oo aysan dabooli Karin biyo loogu dhaamiyo Booyado.
Ku dhawaad 2-sano ayeysan ka di'in wax roobab ah deegaankaasi oo dadka ku nool ay noloshooda ku tiirsan tahay beeraha waana tan keentay in ay ku dagaalamaan biyaha loogu dhaamiyay booyado.
Waa markii ugu horeeysay ee israsaaseyn sidan oo kale ah ku dhex marto deegaankaasi dadka ku nool oo ku diriray biyo dhaaminta.