Dib Qalooc Baajiyay Furiin!!!
This article was Published at: 16-04-2009 and has been viewed 1046 times
waxaa magaalada Garissa ee xarunta gobolka W\Bari Kenya ka dhacday dhacdo la yaab leh oo aad uga yaabisay dadka magaalada ka dib markii nin iyo xaaskiisa uu soo kala dhex galay muran xooggan oo qarka u saarnaa furiin uu baajiyay Dib Qalooc.

haweeneyda iyo seygeeda ayaa waxaa ka dhaxeeyay colaad xitaa reerahooda gaartay ugu dambeyna lagu heshiiyay inuu ninku gabadha furo.

subax subxaha ka mid ah ayaa labadan qof ee is qabay uu dhex maray dagaal, ninka ayaa u gacan qaaday xaaskiisa xilli ay xaaqeysay daaradda guriga.

iyadoo dooneysa inay ku dhufato waxyaabaha gacan qabsiga ah ee agagaarkeeda ka dhowaa ayay gacanta la gashay baaldi qashinka lagu shubi jiray ka dibna waxaa ka qaniinay dib Qalooc aad u weyn.

haweeneydii oo aad u xanuunsatay gurigana ay xiligaas keligood ku sugnaayeen ayaa ku qeylisay: " alla aboowe waan ku baryayaa farta iga xir".

seygeeda oo ay xoogaa naxariis gashay ayaa fartii ka xiray kana miiray suntii dib qalooca, halkaasna waxaa ku soo afjarmay colaadii dhex taallay labadooda oo xiligaasba furiin ku dhoweyd.

labadan ruux reerkooda iyo dadka xaafadda ayaa aad ula yaabay, hore ayaa loo yiri ( nin iyo xaaskiisa heshiisna maaha colna maaha).

ninkan oo aad arrinta baajisay furiinka ugu farxay ayaa sheegay in dib qalooca uu ahaa wax kheyr leh.

Faadumo Macallin Abuukar (faadumoruush)

faadumoruush@hotmail.com 

COMMENTS ( 2 )
ahmedd2@blackplanet.com
war heedhe ,dib qalloc ayaanu akhrisaneyney xagee noola kacdey, nin iyo naagtiis sheekadooda oo dib qallooc kala dhax galay. waxaad noo leexisey hawiye iyo waxa ka tagaan deegaankooda iyo dhulkooda. mar dambe ha ka bixin mowduuca aad ku jirto horta dhamee ka dib wax cusub gal. mahadsanid.
2010-04-11
Sabuni1956@yahoo.com
Waxaan ka welwelsanahay burburinta ka socota Gobolka Banaadir, halka maamulka Gobolka Banaadir ay wadaan inay burburiyaan deegaanka Afasiyooni iyo halka Alshabaab ay ka wadaan burburinta qubuuraha Culumada Waa weyne ee Dalkeena. Waxaa ayaan darro ah beelaha Hawiye inay maalinba maalinta xigta wax cusub la soo baxaan oo ka yaabiyaa bulshadaeynta Soomaaliyeed ku dhaqan Gobolka banaadir. Waxaan halkan ku weydiinayaa Hawiye miyaynaan mehered iyo iimmaan toona lahayn, ma waxay ka soo feedaan Reer Bani-israa'iil, kuwaasaa Eebe ku tilmaamay kuwa ugu khilaaf badan dadka? Hawiye miyay ka yaabaynin Eebe, mise, waxuu Eebe u wadaa meel daran oo ay ku hoogaan. Waxaa ila haboon inay faraha kala baxaan arrimaha Soomaaliya, haddii aysan Hiddo iyo Dhaqan u lahayn inay wax wanaagsan sameeyaan. Waxaa hubaal ah inay asalkooda meel xun ka soo jeedaan: Hooyadooda oo la masaafeystay, iyadoon caadada ka qubaysanin oo loo tagay, ilamay dhashayna lagu canqariyay xoolo la dhacay caanahooda, sidaa darteed marna ma laga yaabo inay fariid noqdaan. Allahaayow Adaa Awood Badanee ummadda masaakiinta ay dulaysteen ka qabo. Aamiin, Aamiin
2010-03-27
Page 1
 

Your e-mail :

Your Comment:




 
ARTICLES
Live Radio Codka Nabada
Saturday, August 14 2010
Kutabey iyo Nimco Dareen
Tuesday, August 10 2010
CALAAMADAHA UURKA BILAWGA AH
Sunday, August 01 2010
INTERVIEWS
SOMALI LINKS
4somaliwomen
Allwariye
Alxaq
Balcad
bbc
Burtinle
Buurta
Caliyaale
Camaloow
Ceelbuur
Ceelbuur
Ceelderaad
Ceelqaboobe
dalkanews
Dhagaxtuur
Falaar
Garowe
Gedo
Gedonet
Halgan
Hamarey
Hiiraamweyn
Hiiraan
Hilinkatoosan
Hillaac
hobyo
Horn Afrik
Jowhar
Jowharonline
Laascaanood
Maaryaa
Mareeg
Mareeg
Marka Cadey
Markacadeey
Miisaanka
Mudulood
Onkod
Qaadisiya
Qaranimo
Raxanreeb
Saafiflims
Saaxil
Saxafa
somaliatoday.net
somalifan
Somalitalk
© Copy Right 2010 www.balcad.com | All Rights Reserved
Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.