Birimageyday dileen!!.
This article was Published at: 16-04-2009 and has been viewed 377 times
Hoogaha, guul u yaqaan laynta birimagaydada, waa kuma? Kutubta samaawiga ah iyo qawaaniinta aadanuhu degsaday midkoodna ma ogola dilka ruux waxtar u leh aadanaha ama bulshada.

Shareecada islaamkuna si cad waxay u qeexday oo cidda fulinaysana tilmaantay dilka bannaan. Xayndaabkaa shareecadu dhigtay si ka baxsan dilkii ku dhaca waa jariimad aan cafin lahayn oo aadanaha iyo bulshada laga galay, waana gaboodfal ruux loo gaystay. Dilka jaantaa rogan u dhaca oo midka barayahan la hadal hayay uu ku tirsan yahay, wuxuu la mid yahay bukaankii oo qaniinay gacantii dhayaysay ama ruuxii dhibta taagan bulshada caalamka gaarsiinayay oo carrabka maqas looga jaray.

Hoogaha, guul u yaqaan laynta birimagaydada, waa kuma?.

Waa kaa ma oran karo, tilmaantiisase, waa wada naqaan oo waa fulay saqdhexe la guureeyay dhagar uu ku laynayo dad birimagaydo ah oo bulshada u adeega. Waa kuwo uur-ka-gaalo ah oo dadka isu ekaysiiyay, isla markaana, bulshada dhibkeeda u tafo xaydan. Shaqaalaha MSF Holland, ma hayb bay u dileen?, ma siyaasad bay u dileen?, ma ilo dhaqaale ayay ka awdeen?, ma waxaa loo gargaaray Diinta islaamka?. Itaa middood shanta lama aysan gali shaqaalaha (takhaatiirta) MSF Holland iyo Marxuum wariye Xasan–kaafi Xareed Axmed, sababta oo ah hawsha ay degmada Kismaayo u joogeen intaa midkoodnna ma ahayn. Isbitaalka iyo guriga meel dhaafsan waqit haba yaraadee uma aysan hayn, hawlina kagama xirrayn. Sidoo kale wariye Xasan-kaafi 24 saac wuxuu daba joogay, warka runta ah in uu helo oo tabiyo?!. Run, biyo kama dhibcaan ah, waxaa ah; dhagar-qabayaal mugdi ku guday in ay maleegeen shirqoolka taakhtiirta iyo wariyaha lagu dilay, ujeedaduna tahay; dadka Kismaayo ku nool, cudur iyo dhiig bax ha u dhammaadaan, warkooduna dhagaha bulshada caalamka yuusan gaarin!.

Maxaan nagala gudboon dhagarta caynkaa ah?.

Hor iyo horraan waxaan lee nahay koox shaydaan [meel xun] u kala qaaday ma aha in la iswaydiiyo maxay sidaas u yeeleen?, islamarkaa ma aha in loo jaanqaado dhanka ay rabaan fidnnadu in ay ka curato. Dhacdooyinka caynkaa oo kale ah waa kuwa dhaliya isgarabsiga iyo iswalaalaysiga bulshadii wada taal. Mujrimiintu waxay fali lahaayeen fale waxaase dhimman wixii lagu fali lahaa iyo sidii far iyo suul looga soo dhexqaban lahaa bulshada caafimaadka qabta oo xasilloonida u baahan. Haaddaba, dad caleentoodu samada ka soo go’oday cid baajisa lama arag, balse, waa in aysan gacan ku dhiiglayaashu gaarin muraadkoodi ahaa; bulshada wada daggan in ay madaxa isugu dhuftaan, muwaadin nadiif ahna laga harag-harag siiyo oo qaskaa ay ka kalluumaysta, (qaraabtaan). Baaritaanka oo kan qabo, kanna soo qabo loo maro waa sida ay doonayaan oo ah in la kala shakiyo, hoosaasinna ay u helaan qorsheyaal  soo aaddan.

Ugu dambayn:

Qorbajoogta ka soo jeedda Goolka Jubbada hoose si gaar ah degmada Kismaayo meel ay joogaanba aniga oo magacooda ku hadllay; Ha’adda MSF Hoolland, bahda Gedonet, bulshada Gobolka Jubbada Hoose degmada Kismaayo si gaar ah bukaanka Isbitaalka kismaayo waxaan la qaybsanaynaa dareenka murugada leh oo shirqoolku sabab u noqday. Dhib waa dhacaa, waase in aysan nabad carrada ku joogin ruuxa ama cidda dhibta gaysatay. waxa kaliya oo lugu illoobi karo dhiilladaa oo lagu kala shaki bixi karo waa ruuxii ama ciddii falka ka dambaysay oo garsoor caaddil ah la hor geeyo oo uu eedaysane ama eedaysana yaal yaashaa falkaa bulshada wadnaheeda gilgilay, islamarkaana hindisaha gurracan oo ay jeexdeen uusan meel marin.

Wariye British Broadcasting Corporation laanta afsoomaaliga ka tirsan; Nasteex Daahir, ayaa 29/01/2008 migroofanka la dhexmaray isbitaalka Kismaayo oo taakhaatiirta la laayay ka howl gali jirtay, si uu dareenka bukaanka u qiyaaso, sidatan ayuuna dareenkii bukaanku ku soo uruuray: Maryan Yuusuf Faarax; “kii iqabay waaye kan dhintay  (xagga dawaynta ayaan u qaatay), waa u baahannahay waa u baahannahay waa u baahannahay”. Haweenay kale waxay tiri: “dhiigbaxaa ihaya, murugaan inta la fadhiyaa”. Mukhtaar, oo isna bukaan ah, wuxuu yiri: waa habaarray kuwaas”.

Si le’eg, annaguna waa u habaarray; “bukaankaa habaarkoodu idin soo qabay, Ilaahay idanki”. Dad birimagaydo ah baad layseen, bukaan aan laga oohinna baad ka oohiseene; calaamo idinka iftay idam Alle, hangool gano qaabanna la idinku soo qabay, dhawaan”. Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Daka reer Kismaayoow, waxa la idinka damcay yaan la idinka heline, diida, diida.

Cabdiwali Sh. Maxamed

ifaqoon@hotmail.com

COMMENTS ( No Comments available )
Page
 

Your e-mail :

Your Comment:




 
ARTICLES
Live Radio Codka Nabada
Saturday, August 14 2010
Kutabey iyo Nimco Dareen
Tuesday, August 10 2010
CALAAMADAHA UURKA BILAWGA AH
Sunday, August 01 2010
INTERVIEWS
SOMALI LINKS
4somaliwomen
Allwariye
Alxaq
Balcad
bbc
Burtinle
Buurta
Caliyaale
Camaloow
Ceelbuur
Ceelbuur
Ceelderaad
Ceelqaboobe
dalkanews
Dhagaxtuur
Falaar
Garowe
Gedo
Gedonet
Halgan
Hamarey
Hiiraamweyn
Hiiraan
Hilinkatoosan
Hillaac
hobyo
Horn Afrik
Jowhar
Jowharonline
Laascaanood
Maaryaa
Mareeg
Mareeg
Marka Cadey
Markacadeey
Miisaanka
Mudulood
Onkod
Qaadisiya
Qaranimo
Raxanreeb
Saafiflims
Saaxil
Saxafa
somaliatoday.net
somalifan
Somalitalk
© Copy Right 2010 www.balcad.com | All Rights Reserved
Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.