Abaawan Abshir Bacadle ayaa sheegay in aysan socon doonin handadaada lagu hayo dadka bulshada indhaha u ah.
Gudoomiyaha golaha abwaanada Soomaaliyeed Abshir Nuur Faarax Bacadle oo la hadlayey Saxaafadda ayaa sheegay in aysan meel mari doonin hanjabahaado uu sheegay in lagu hayo dadka wax gal ah u ah bulshada sida odayaasha dhaqanka.
Waxaa uu wax laga xumaado oo aan meesha ku jirin ku tilmaamay in loo hanjabo dadka ka shaqeynaya maslaxadda Umada Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan duqowda dhaqanka.
"Handadaad iyo qorey lala ordaayo nin caqiidadiisa uga leexanayaa majirto nin walibana xabadi weykartaa qof walibana Malakulmowt ayuu leeyahay, indhacadaynta Masaajida inta qoryaha lala galo odayaasha iyo dadka waxgaradka ah lagu handadayo Diin ma'ahan Sharcina Ma'ahan, waana la yaqaan qof waliba waxaa uu gudey Markii ay xabashido soo gashay dalka kuwii cararayna waa la yaqaan" ayuu yiri Abwaan Bacadle.
Sidoo kale abwaan Abshir Bacadle oo ka hadlay dagaaladii u dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay in dadka ku waxyeeloobay dhamaantood ay yihiin rayid aan waxba galabsan islmarkaana faa'iidada laga gaaray ay tahay qasaaraha rayidka oo kaliya.
"Dagaaladii ugu dambeeyay iyo kuwii ku xigayba hal gaal laguma dhaawicin, waxaana ku dhintay ama ku dhaawacmay dad Muslimiin ah shallaay lagama qabo oo waa lagu faraxsanyahay, nimankii hubkaasi riday oo dadkaasi laayay maadaama ilaahayn in cafis weydaastaan ma'ahane uu ciqaabayo ay ogyihiin wey ku faraxsanyihiin, markaaseey raadiyaashii iyo masaajidii waxa ay uga hadleen in ay jihaad galeen, marka arinka meesha ku jira waxa ay tahay goormee ayay in muslimiin la dilo jihaad noqotay" ayuu hadalkiisa sii raaciyey Bacadle.
Gudoomiyaha golaha abwaanada Soomaaliyeed abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle ayaa dhanka kale sheegay in aan lagu qancin bayaanka ay soo saareen hay'adda culumada Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamay mid ay ku jirtay maslaxadda Umadda Soomaaliyeed.
"42-culumo ah ayaa go'aan soo saartay, go'aankii ay soo sareena waa lagu qanci waayay, wiilal yar yar oo laablakac Muxaadarooyin intay u qabtaan umadda kale ka dhigaya wax jihaad diidan waxaasi diinta waxba ka badali maayaan ilaahayna ma siri kartiin" ayuu hadalkii ku soo gaba gabeeyay Abwaan Abshir Nuur faarax.
Hadalkaan abwaan Abshir Bacadle ayaa waxaa uu ka dambeeyay markii odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ay sheegeen in ay soo gaartay hanjabaad ku aadan in ay hakiyaan shaqada ay hayaan.