Kulmiye sharci uma heysto waxa kasoo yeeray
This article was Published at: 16-04-2009 and has been viewed 301 times
Xisbiga talada haya ee maamulka Somaliland ee UDUB ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye aanu wax sharci ah u heysan hadalkii dhawaan xisbigu uu ku sheegay in aanu aqoonsanayn Madaxweynha Somaliland.

Xoghayaha guud ee Xisbiga UDUB ee  haatan maamulka Haya ee Somaliland Jaamac Yaasiin Faarax oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in ay tahay wax aan loo baahnayn hadal dhawaan ka soo yeeray xisbiga Kulmiye ee Somaliland kaasoo ku aadanaa in xisbigu uu sheegay in xiliga talada ay sii korarsanayaan Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa.

Jaamac Yaasiin Faarax waxaa uu tilmaamay in ay kordhin karaan waqtiga madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa golaha Guurtida ee maamulka Somaliland islamarkaana aan loo baahnayn hadalada nuucaani oo kale ah in ay ka soo yeeraan xisbiga Kulmiye.

Xilli hore ayey ahayd markii xisbiga Kulmiye ee Somaliland ay sheegeen in Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa ay damacsanyihiin in ay sii korarsadaan talada, waxaana uu ku soo aadaya hadalka xisbiga UDUB ee talada haya xilli uu muran ka jiray xisbiyada Somaliland  kaasoo ku aadan in maamulka haatan talada haya ay doonayaan in ay sii korarsadaan talada.

COMMENTS ( 1 )
beeso1_8@hotmaill.com
waxaan u arkaa arinkaas marka dhan laga eegayo unuu sax yahay waayo mudadi sharciga ahayd ee m-weyne riyaale way dhamaatay waxa kolma mudo dheeraad ah loogu daraana waa sifo sharci daro ah oo ay golaha guurtida iyo xukuumadu isla ogyihiin ,taas oo dibu dhac wayn ku keentay qabsoomidii dorashada dhabta ah ee ka dhici lahayd wadanka,sababtayna erigii hayada inter peace ee ay isku shaqaysna jiren nidaamka hada talada haye ee tiisii dhamaatay ,sidaa darateed waxa ka soo yeedhaya xisbiga kulmiye waa wax uu xaq u leeyahay asagaana uga aqon badan sharciga iyo kudhaqanka distoorka u yaala umada iyo shacabka somaliland . khadar adan beeso
2010-04-23
Page 1
 

Your e-mail :

Your Comment:




 
ARTICLES
Live Radio Codka Nabada
Saturday, August 14 2010
Kutabey iyo Nimco Dareen
Tuesday, August 10 2010
CALAAMADAHA UURKA BILAWGA AH
Sunday, August 01 2010
INTERVIEWS
SOMALI LINKS
4somaliwomen
Allwariye
Alxaq
Balcad
bbc
Burtinle
Buurta
Caliyaale
Camaloow
Ceelbuur
Ceelbuur
Ceelderaad
Ceelqaboobe
dalkanews
Dhagaxtuur
Falaar
Garowe
Gedo
Gedonet
Halgan
Hamarey
Hiiraamweyn
Hiiraan
Hilinkatoosan
Hillaac
hobyo
Horn Afrik
Jowhar
Jowharonline
Laascaanood
Maaryaa
Mareeg
Mareeg
Marka Cadey
Markacadeey
Miisaanka
Mudulood
Onkod
Qaadisiya
Qaranimo
Raxanreeb
Saafiflims
Saaxil
Saxafa
somaliatoday.net
somalifan
Somalitalk
© Copy Right 2010 www.balcad.com | All Rights Reserved
Site Designed, Developed & Powered by: Ileys Technology Inc.