Dowladda Imaaraadka carabta ayaa sheegtay in sanadkaani ay si weyn u kordheen xoolaha Soomaalida ee Imaaraadka loo iib geeyo.
Agaasimaha waaxda Canshuuraha iyo Dekedaha dowlada Imaradka Carabta Max'ed Cabdala Al Mahrisi ayaa sheegay in tirada Xoolaha Soomaaliya ee laga dhoofiyo baaritaan Caafimaad lagu sameeyay kadib markii la marsiiyay Kawaan Xoola Qaleen ah oo ku yaala magaalooyinka Barbara iyo Boosaaso ay gaareen 250-kun oo neef.
Max'ed Cabdala waxaa uu sheegay in taasi ay suurto galisay labo Kawaan xoolo qal oo ay ka hir galiyeen Magaalooyinka Boosaaso iyo Barbara ee dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in tirada xoolaha ee loo iib geeyo Suuqyada Dalka Imaraadka Carabta iyo wadamada Qalijka ay si weyn u koradheen biloowgii sanadkani.
Max'ed Cabdala Al Mahrisi Agaasimaha waaxda Canshuuraha iyo Dekedaha dowlada Imaradka Carabta waxaa uu intaasi raaciyay in xoolaha Soomaalida ee la geeyo Dalka Imaraadka Carabta loo sii iib Geeyo wadamada Kale ee Qaliijka ayna sii kordhin doonaan ka ganacsiga xoolaha Soomaalida.