Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalada Boosaaso oo ay ka soo jeedaan kooxihii burcad badeedda ee dhawaan ay dileen ciidamada Wadamada Maraykanka iyo Faransiiska ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay weeraradaasi.
Iyadoo maalmihii u dambeeyaya Maraykanka iyo Faransiiska Maraakiibtooda taagan xeebaha Soomaaliya ay weerareen kooxo burcad badeed Soomaali ah qaarkoodna ay dileen ayaa dadweynaha ku dhaqan Magaalada Boosaaso qaarkood waxaa ay sheegayaan in maraakiibta Shisheeye ay xaq u leeyihiin in ay u gaarsadaan burcad badeeda Soomaalida halka kuwa kalena ay ka soo horjeesteen.
"Burcad Badeeda dhamaantood iyo kuwii ugu dambeeyay ee hadda la daayay, waxaan sheegaynaa hadaanu nahay hooyooyinka gobolka Barri iyo Sanaag in aanu aad ugu faraxsanahay cirib tirka burcad Badeeda raalina ka nahay, waana tageeraynaa gaal iyo Muslim wixii laaya" ayey tiri haweenay ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Boosaaso.
"Waxaan wax laga xumaado ku tilmaamayaa dhacdadii dowladda Maraykanku ay u geysatay wiilasha yar yar ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ah ee ay ku laayeen falkii foosha xumaa, iyagoo u jeedatoodu ahaa in ay laayaan ee aanay ka ahayn in ay qabtaan" ayuu isna yiri nin ka mid ah dadka reer Boosaaso.
Magaalada Boosaaso ayaa waxa la gaarsiiyay meydadka labo burcad badeeda Soomaali ah oo ka soo jeeda deeganda Puntland kuwaasi oo xeebaha deegaan Xaafuun ee ay maamusho Puntland ay ku dileen ciidamada Faransiisku isbuucaan gudihiisa.
Burcad badeedaasi ayaa waxaa ay haysteen xiligii la weeraray dalxiisayaal u dhashay wadanka Faransiiska oo mid ka mid ah uu howlgalkii ku dhintay, waxaana ay ahayd dhawaan markii ciidamada badda ee wadanka Maraykanka ay weerareen 4-nin oo kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah kuwaasi oo heysatay captan u dhashay wadankaasi.